Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DAAWO: Gudoomiye Cumar Filish oo aan wali fulin ballanqaad uu u sameeyay Shacabka Muqdisho

30-Kii Bishii Agoosto ee sanadkaan 2019  Maalmood kadib Magacaabistii guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada muqdisho waxaa uu goob ay ka socotay munaasabad uu xilka kula wareegayay ka sheegay in dhamaan wadooyinka xiran ee muqdisho la furi doono,waxaana hadalkaas ku farxay Shacabka muqdisho oo oodinta kaliya ee ku taagan ay aheyd xirnaanshaha wadooyinka.

Dadka Muqdisho ayaa intaasi kadib aad u hadal haayay waxa ka fuli kara hadalka Guddoomiye Cumar filish, iyaga oo badi ay soo dhaweeyeen in loo furo wadooyinka xiran oo ah cabaqada kaliya ee xilligaan heysata Shacabka Magaalada muqdisho.

Exit mobile version