Beledweyne-RisaalaFM- Dagaal culus ayaa maalintii Saddexaad ka socda Xaafadda Howlwadaag ee Magalaada Beledweyne iyado dagaalkan uu u dhaxeeyo labo beelood oo wada dega xafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
ilaa iyo hadda lama oga khaasaraha ka dhashay dagaalkan subaxnimadii hore ee saaka markale ka qarxay Magalaada Beledweyne.
isku socodka gadiidka iyo dadka Xaafadda Howlwadaag ayaa xiran maalintii saddexaad iyado dadka degan goobaha lagu dagalamay ay ku sugan yihiin guryahood.
Waxaana maanta magaalada Beledweyne lagu arkayaa dad aad ufara badan oo sameynaya barakac xoogan, si aysan saameyn xabadaha labada dhinac ee dagaalamaya ay isku adeegsanayaan.
Maamulka Baledweyne ee dowladda soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay wadaan dadaalo lagu kala qaadayo beelaha walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya.
