Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Cunsuriyada Horyaalka Italy Oo Meel Xun Gaartay

Ciyaariyahankii hore kooxaha Inter Milan iyo Ac Milan Sulley Muntari ayaa isaga baxay kulankii ay kooxdiisa 1-0 guuldaro ah ka heshay dhigeeda Cagliari kulan dhacay Axaddii.

Xidiga reer Ghana ayaa garsooraha ka codsaday inuu joojiyo kulanka kadib markii ay dhagahiisa ka bateen cunsuriyanimo uga imaaneysa Jamaahiirta Cagliari, balse garsoore Daniele Minelli ayaa u muuqday mid aan maqlin hadalada taageerayaasha wuxuuna doortay inuu kaar jaale ah siiyo Muntari.

“Muntari ayaa weydiistay in garsooraha uu soo faragaliyo, balse ma uusan sameyn” Ayuu yiri “Si aad ah ayaan uga hadalnay midab kala sooca, waa inaan ka gudbnaa, tani waxey ku dhacday Muntari kaliya kaas oo talyaaniga ka ciyaarayay sanado badan, waa inaan badalno maankeena” ayuu yiri tababare Zeman.

“Wuu ka baxay garoonka sababtoo ah jabaqdooda, balse cadaaladda kuma heli karno gacmaheena”

Dhanka kale daafaca Jarmalka ah ee kooxda As Roma Antonio Rudiger ayaa la cunruiyeeyay kulankii Derby della Capitale.

Agaasimaha kooxda Frederic Massara ayaa ka dhawaajiyay in daafacooda la cunrusiyeeyay isla markaana uu ka xumaaday in waqtigaan ay jiraan dad sidaas sameynaya.

Laacib.net

 

Exit mobile version