Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo la sheegay in diiradda lagu saaray mideynta aragtidooda siyaasadeed.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu dadaal ugu jiro sidii Farmaajo looga dhaadhicin lahaa in la mideeyo mowqifyada siyaasadeed, si loo helo aragti mideysan oo ku aaddan xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Lama oga ilaa hadda natiijada kulanka iyo in labada mas’uul ay isku afgarteen sidii loo mideyn lahaa aragtidooda siyaasadeed.
Kulamadan ayaa ku soo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hanaanka doorashooyinka,wax ka badelka lagu sameeyay Dastuurka iyo mustaqbalka Siyaasadeed ee dalka.

