Site icon Radio Risaala: Somali News Online

CSKA Moskva oo Real Madrid ugu awood sheegatay Bermabeu

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul darro xanuun badan kala kulantay kooxda CSKA Moskva kulan kusoo idlaay 3-0.

Kulankan o qaybtiisi hore lagu kala nastay 2-0 ayaa markii la isku soo laabtay CSKA waxaa hogaanka u dheereeyay laacibkeeda ASigurdsson, kaasoo daqiiqaddii 73-aad shabaqa gaaray.

Madrid oo isku dayday in ay iska guddo goolasja lagu leeyahay ayaysan u suurta galin in ay shabaqa gaarto kulanka ayaana lagu kala baxay 3-0 op ay guushu kuraacday CSKA Moskskva.

Dhanka kale Roma ayaa guul darro xanuun badan kala kulantay kooxda tabarta yar Victoria Plzen, kulan kusoo idlaaday 2-1.

Waxaana xusid mudan in kooxaha Roma Iyo Real Madrid ay labaduba guul darro lakulmeen iyaga oo ku ciyaaraya garoomadooda, inkasta oo ay kaalinta 1-aad kusoo baxday Madrid halka ay Roma kaalinta labaad gashay.

Iyada koox Victoria Plzen guushii ay Roma ka gaarrtay ay ka caawisay in ay ka qab gasho tartanka Europe League.

Exit mobile version