Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa danjiraha ku soo dhaweeyay xarunta Madaxtooyada, isagoo sheegay in tallaabadani ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac.
Cirro ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashiga labada dhinac uu diiradda saari doono amniga, difaaca, ganacsiga, maalgashiga iyo tiknoolajiyadda, isaga oo sidoo kale xusay muhiimadda goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ee ku dhow Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Dhankiisa, Danjire Michael Lotem ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo xiriirka Israa’iil iyo Somaliland uu galay marxalad cusub oo diblomaasiyadeed, kadib markii danjiraha Israa’iil uu si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyay Cirro.

