Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah Shabaab ka wada degaanada Mudug

Mudug-RisaalaFM- Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxay ka wadaan degaanada Cammaaro, Bacaad-weyn iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaasi oo la doonayo in guud ahaan Al-Shabaab lagu ciribtiro, sida ay saraakiisha sheegeen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Qeybta 21-aad, Gen. C/laahi Aadan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in hadda howlgalada ka socda aagaga Cammaara, Bacaad-weyn iyo degaanada kale ee hoos yimaada, isagoona dhanka kale tilmaamay in xaaladda ay tahay mid degan.

“Waa howlaheenii caadigaa, waxay hadda howlgalo ka socdaan degaanada aagaga Cammaaro, Bacaad-weyn ilaa iyo lagu dhawaado degaanada kale ee hoos yimaada, xaaladuna wey degan tahay hadda.” Ayuu yiri Taliyaha 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka C/llaahi Aadan Xuseen.

Wuxuu sheegay Taliyaha in Al-Shabaabka ku sugan degaanadda haatan howlgalada ay ka wadaan ay yihiin burcad lacageed, islamarkaana dadka degaanka ay carruurta ka afduubaan, xoolahana ka dhacaan loona baahan yahay in si wadajir ah shacab iyo ciidanba loola dagaalamo.

“Nimankaan Nabad diidka ah waa Burcad lacageed, carruurtey Afduubanayaan oo dadka ay kala dhex baxayaan, Xoollaha ayay ka dhacayaan, lacag baad ah ayay weydiinayaan dhibaatooyinkaasi ayaanu ka hortageynaa haddii Illaahey yiraahdo,” Ayuu yiri General C/laahi Aadan Xuseen.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa dadaal ugu jira sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin dalka si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo nolol una heli lahaayeen adeegyada asaasiga ah ay u baahan yihiin.

Exit mobile version