Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ciidanka Xoogga dalka & kuwa Degaanka oo Hawlgallo Miino baaris ah ka sameeyay Bariga G/ Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano  ku yaalla Bariga Gobolka Galgaduud .

Ciidamada Howlgallada ayaa si gaara iga fuliyay deegnnada Cali Candhoole , Sheekh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo Deegaanno kale  oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa inta ey howlgalka ku jireen waxay soo saareen tiro Miinooyin ah oo Alshabaab ay ku aaseen degaannadaasid , sido o kale Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo Alshabaab  ay ku lahaayeen degaannada Hawlgallada laga sameeyay .

Taliyaha Guutada 24aad  ee Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Xaqiijiyay in howlgalku socdo welina dhulka Howdka ah ay kula dagaalamayaan Alshabaab .

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Mudooyinka dambe kordhiyay howlgalada ka dhan ah Alshabaab.

Exit mobile version