Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Howlgal ka sameeyey Gudaha Magaalada Baydhabo.
Howglalka ayaa intuu socday waxaa lagu soo qab-qabtay dhalinyaro tiradooda gaareyso 71 kuwaaas Oo Ciidanka ku sameeyen baaritaano.
Sarakiisha Hay’ada ayaa fasaxay qaar kamid ah dhalinyarada kadib markii lagu waayey kamid ahaanshaha Alshabaab .
Saraakiil katirsan Ciidanka Nabdsugida Koonfur Galbeed ayaa waxay ay sheegeen inay weli Ciidanka gacanta ku hayaan tiro dhalinyaro ah oo uu ku socdo baaritaan, kuwaas oo looga shakiyay inay la Shaqeeyaan Alshabaab .

