Ku dhawaad 100 askari oo ka tirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya, ayaa tababar ku saabsan dagaalka dhulka ah (Infantry), waxaa loogu soo gaba gabeeyay Xerada General Dhegabadan ee Ex-Jazeera oo ku taalla duleedka dhanka Koonfureed ee Muqdisho.
Tababarkaan oo ay maalgeliyeen Midowga Yurub, ayaa ciidamada waxaa lagu baraayay hanaanka dagaalka dhulka ah, maadaama ciidamada Soomaaliya dagaal ay kula jiraan Ururka Al Shabaab.
Waxaa si wadajir ah tababarka u bixinaayay Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Amisom ee Soomaaliya ka howgala.
Sidoo kale ciidamadan ayaa waxaa loo tababaray ka hortagga Miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sida ciidamada ay ku garan karaan, xilliyada Miinooyinka ay dhulka ku aasan yihiin.
