Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga, General Metin Tokel, ayaa maanta tababar heersare ah magaalada Manisa ugu soo xiray Guutada 21-aad, Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Dhulka XDS.

Munaasabaddan ayaa noqonaysa mid taariikhi ah maadaama ay tahay guutadii ugu horreysay ee dhammaystiran ee Gorgor ah oo hal waqti iyo hal goob lagu wada tababaro. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay dar-dargelinta dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka, si waajibaadka qaran ee horyaalla ay ugu gutaan awood iyo isku-xidhnaan buuxda.

Qalin-jebinta ciidankan ayaa ku soo beegmaysa xilli Ciidanka Xoogga Dalku ay wadaan diyaar-garow xooggan oo ku aaddan hawlgalo ballaadhan oo ka dhan ah argagixisada, si dalka guud ahaan looga sifeeyo cadowga ragaadiyay nabadda iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

Exit mobile version