Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ciidamo Boolis ah oo xoog kula Wareegay Xarunta ay ku Shaqeeyaan Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen  gabi ahaan xarunta Villa Hargaysa oo ay ku Shaqeeynayeen Guddiga doorashada  Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in Ciidamada Booliska & NISA oo uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar ay ku qasbeen inay ka guuraan Xarunta Baarlamaanka

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan Shaqaalaha Golaha Shacabka loo diiday inay galaan Xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo Gudiga ay ka wadeen howlo loogu diyaar garoobayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo beri dhaceysa.

Dhinaca kale Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay Xoghayaha Golaha Shacabka  Cabdikariin Xaaji Buux ka xireen Xafiiska keddib markii uu damcay in kaararka aqoonsiga loo sameeyo xildhibaannadii shalay lagu dhaariyay Hotel Airport ee laga doo doortay Degmada Ceelwaaq.

Maalinta berito ah ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, hayeeshee ay u muuqata in ay dib u dhici karto doorashada maadaama ay jiraan qalalaasooyin kala duwan.

Exit mobile version