Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa isku fidiyay deegaanadii maalmahan ay ku dagaalamayeen ciidamada dowladdda iyo kooxda Al-shabaab ee ka tirsan gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay deegaano dhaca jiinka webiga Shabeelle, islamarkaana waxaa ay qabsadeen dhul balaaran oo dhaca jiinka Wabiga Shabelle.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal miino baaris ka bilaabay deegaanada laga saaray kooxda Al-shabaab, si loo hubiyo amniga deegaanada laga qabsaday kooxdaasi.
Howlgalkan ayaa bartilmaameedsanaya xubnaha Al-shabaab ee ka baxay deegaanada deegaanada Beerayabaal iyo Jicibow, waxaana ciidamada hadda kaabiga ku hayaan deegaano kale oo ay ku sugan yihiin ururka Al-shabaab.
Ujeeddada ugu weyn ee howlgalladan waa in kooxdan laga saaro guud ahaan deegaanadaas si loo xaqiijiyo ammaanka gobolka.
Waxaa sidoo kale la sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada guud ee xoreynta deegaannada hoos yimaada Xarardheere, oo horay ugu xirnaa kooxdan, taasoo fursad siinaysa ciidamada inay ku durkaan deegaanno kale oo muhiim ah.
Saraakiisha howlgalka hogaamineyso howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay xubno Ajaanib ah oo ka barbar dagaalamaya Al-shabaab.
Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar oo ey wehlinayaan Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arimaha Ciidanka Deegaanka ee Macamuusley Maamulka Gobalka Hiiran Saraakiisha CXDS Iyo kuwa Deegaanka.
Ciidamada xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo u dhaxeeya magaalooyinka Halgan iyo Buula-burte.
Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ayaa ka socda deegaano dhaca Jiinka Webiga Shabeele ee gobolka Hiiraan, kaasi oo la doonayo in kooxda halkaasi loogu saaro.

