Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ciidamada Soomaaliland oo Gacanta ku dhigay Nin dil geystay

Howlgal la sheegay inay sameeyeen Ciidamada Soomaaliland ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen Nin dhawaan dil ka gaystay Deegaanka fadhi-Gaab oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Ninla ay Ciidamada Soomaaliland soo qabteen ayaa dil u geystay Nin kale xilli ay dhawaan jirtay xiisad colaadeed oo u dhaxeysay laba beelood,waxaana laga soo qabtay deegaanka Dowl-dowl, iyada oo lagu xiray Xabsiga Ceel-Afweyn.

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan soomaaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen deegaano hoostaga degmada Ceel-Afweyn, iyaga oo baadi-goob ku hayay dad dilal aanooyin qabiil la xiriira geystay.

Dhinaca kale degmada Ceel-Afweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ka socda qaban qaabada shirar la doonayo in lagu soo afjaro colaad u dhaxeysa laba beelood oo sanadihii la soo dhaafay halkaasi ka taagneyd.

Exit mobile version