Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ciidamada Puntland oo Guul ka sheegtay dagaalkii maanta: 40 u badna Ajaaniib ayaan dilnay, waxaana Daacish ka qabsanay xaruntoodii weyneyd

Puntland ayaa shaaciay in ciidamadeeda Howlgalka kawada buuralayda Cal-miskaad ay maanta dagaal xooggan ku qaadeen kooxda Daacish, ayna ka dileen ku dhowaad 40 Argagixiso Ajaaniib u badan iyo dhaawac ka badan, isla markaana ay la wareegeen Togjaceel oo ah xaruntoodii ugu weyneyd.

Dhinaca kale waxay Puntland qiratay inay Ciidankeeda uu soo gaaray dhimasho kooban iyo dhaawac fudud, sida warka loo dhigay. Waxaana baraha bulshada lagu soo bandhigay sawirro meydad 5 ilaa 8 qof ah.

Exit mobile version