Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab kawada Galgaduud

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay halkaasi ka wadaan howlgallo.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saakay uu dagaal yar uu halkaasi ka dhacay waxaana uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab.

Waxaana sidoo kale warar madax banaan ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saakay gacanta ku dhigeen deegaano hoostaga degmada Ceel-buur.

Waxaana dhowaanahan dowladda Soomaaliya ay waday howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab kuwaas oo ay ka sameyneyso gobolada dalka.

Exit mobile version