Wararka inaga soo gaaraya gobolka Galggaduud ayaa waxa ay sheegayaan in saakay ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay l awareegeen gacan ku heynta degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada ayaa la sheegay saakay in howlgalkooda ay ka bilabeen tuulada BudBud oo 30 Kiilo Mitir dhinaca galbeed uga toosan degmada Galcad.
Ciidamada ayaa baaritaano ka bilaabay xaafadaha ay ka koobantahay degmada Galcad, iyagoo dhinaca kalena fariisino ka sameystay duleedka magaaladaasi.
Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee halkaasi gaaray.
Saraakiisha dowladda ee degmadaasi ku sugan ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.
