Site icon Radio Risaala: Somali News Online

CIA iyo FBI oo billaabay baaritaan ku aadan sirta la sheegay in laga faafiyay

Hay’adaha faderaalka ee dalka Maraykanka ayaa billaabay baaritaan ku saabsan macluumaadkii dadwaynaha lala wadaagay ee faahfaahinayay sida ay CIA-du dadka u basaasto, sidaas waxaa sheegay saraakiil ka tirsan dalka Maraykanka.

Warbaahinta dalka Maraykanka ayay u sheegeen in FBI iyo CIA ay iska kaashanayaan baaritaankan ka dib markii uu websiteka siraha dusiya ee Wikileaks uu baahiyay kumanaan macluumaad.

Arrintan ayaa ku saabsan sheegashada ah in CIA-du ay samaysay qaabab ay ku dhagaysato codadka dadka adeegsada taleefoonada iyo telefishinada caaqilka ama casriga ah

Hay’adaha sirdoonka iyo kuwa dambi baarista ee FBI, CIA iyo waliba Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa dhamaantood diiday in ay ka hadlaan run ahaanshaha macluumaadkan la baaahiyay Talaadadii.

CIA ayaa lagu eedeeyay in ay u suuragashay in ay duubtaan sheekada dadka ka agdhaw Telefishinada casriga ahLahaanshaha sawirkaSAMSUNG

CIA ayaa lagu eedeeyay in ay u suuragashay in ay duubtaan sheekada dadka ka agdhaw Telefishinada casriga ah

Afhayeen u hadlay CIA ayaa BBC-da u sheegay Arbacadii “in ay tahay in dadka Maraykanku ay ka walwalaan wax kaste oo uu shaaciyo Wikileaks oo looga gol leeyahay in lagu dhaawaco awoodii ay sirdoonku dadka Maraykanka kaga difaaci lahaayeen argagixisada iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda.

Exit mobile version