Chelsea ayaa xiriir la sameysay kooxda AS Roma ee dalka Talyaaniga, iyadoo ka dooneysa daafaca u dhashay dalka Brazil Emerson Palmieri.
Sida laga soo xigtay shabakadda Sky Sports Italia, Chelsea ayaa xiriir toos ah la sameysay kooxda Roma, si ay ugala hadasho suurtogalnimada ku aadan saxiixa Emerson Palmieri.
Waxaa la fahamsan yahay inuu tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte si weyn isha ugu hayo inuu lasoo saxiixdo daafaca dambeedka bidix ah inta lagu jiro bishaan Jannaayo.
AS Roma ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay daafacaan ka iibiso Chelsea haddii jeebka loogu shubo 20 milyan oo ginni.
Sky Sports Italia ayaana sheegeysa inuu daafacaani isha ku hayo usoo dhaqaaqista Chelsea, wuxuuna xitaa doonayaa inuu la shaqeeyo tababare Conte, halka Chelsea ay u aragto mid ku fiican la tartamista daafacooda reer Spain Marcos Alonso.

