Chelsea ayaa si rasmi ah u soo gabgabeysay saxiixa goolhaye halyeeyga ah ee Rob Green oo noqon doona bedelka labaad ee kooxda.
38 jirkaan ayaa la filayay inuu ciyaaraha ka fariisto xagaaga ka dib markii ay sii deysay Huddersfield dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, laakiin Blues ayaa si guul ah ugu qancisay inuu go’aankaas bedelo muddo hal sano ah.
Ciyaaryahankii hore ee xulka England ayaa saxiixay hal sano oo heshiis ah oo uu ku sii joogayo Stamford Bridge, halkaasoo uu kula dagaalami doono Thibaut Courtois iyo Willy Caballero.
Isagoo la hadlayay website-ka rasmiga ah ee Chelsea, Green wuxuu yiri: “Waxaan 24 saacadood ka fekereyay inaaan sii joogo kubadda cagta.
“Waxa ay aheyd waqti aad u weyn aniga ahaan, mana sugi karo inaan kusoo bilaawdo safka Chelsea, waan faraxsanahay, waxaa sharaf ii ah halka aan ku suganahay.
Green ayaa leh khibrad badan oo Premier League ah oo uu ku caawin karo kooxda Chelsea, isagoo hore ugu soo ciyaaray Norwich, West Ham iyo QPR.
Goolhayahaan ayaa sidookale laba tartan oo waaweyn kala qeyb galay xulka qaranka England.
Halyeeygaan ayaa ka soo muuqday 250 kulan oo Premier League ah tan iyo markii uu kasoo qalin jabiyay akadeemiga Norwich, inkastoo uusan helin fursad uu ku ciyaaro xili ciyaareedkii hore.

