Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Chelsea oo Damacsan in Burbur xoogan ay markale u geeysato Kooxda Napoli

Kooxda Chelsea ayaa dooneeysa in ay soo qaadato qaar kamid ah Ciyaartooyda ugu wanaagsan ee kooxda Napoli.

Macalin Mauricio Sarri ayaa suuqii xagaaga kasoo qaatay kooxdiisii hore Ciyaaryahanka Asal ahaan kasoo jeeda wadanka Brasil Balse qaatay Dhalashada italy ee Jorginho.

Sarri ayaa doonaya in dalab gaaraya 130M uu ka gudbiyo ciyaaryahanada kala ah Piotr Zielinski iyo Khalidou Koulibaly kuwaasi oo ka kala ciyaara difaaca iyo khadka dhexe.

Sida ay daabacday Majalada TEAMtalk Blues ayaa markan awoodeeda suuqa isugu geeneeyo labadan xiddig sidii ay ku keeni laheeyd garoonka Staform Bridge.

Labadan Ciyaaryahan ayaa kasoo wada muuday 8 kulan oo kooxdooda ay ka ciyaartay horyaalka Seri A iyo koobka horyaalada qaarada yurub.

Exit mobile version