Chelsea oo dalab deg deg ah ka gudbineysa daafaca dhexe Southampton
admin
Kooxda Chelsea ayaa dalab deg deg ah ka gudbineysa daafaca dhexe Southampton Virgil van Dijk taas oo meesha ka saari doonta xiisaha Man City
Tababare Antonio Conte ayaa udagaalamaya in bisha January uu sameeyo saxiix weyn hase ahaatee waxaa uu ubaahan yahay in daafacan reer Holland uu ka bixiyo lacag dhan £60million.
Antonio Conte ayaa ku faraxsan in kooxdiisa ay lix dhibcood hogaanka horyaalka ku hayso, sidoo kalana ay 13 kulan oo xariir ah badisay, hase ahaatee waxaa ay ubaahan tahay iney daafaceeda xoojiiyo.
Tababaraha City Pep Guardiola ayaa sidoo kale isha ku haya ciyaaryahankan, waxaase wargeyska Express uu qorayaa in Chelsea ay dalab deg deg ah ka gudbineyso.
Macalinka Saints Claude Puel ayaa sheegay in ciyaaryahankan uusan kooxda ka tagi doonin laakiin dalabka Chelsea ayaa ah mid aanan la diidi karin.
Southampton ayaa isha ku haysa iney badalka van Dijk ka dhigato ciyaaryahanka Burnley Michael Keane kaas oo sidoo kale dalabyo ka helaya Chelsea iyo United.