Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Chelsea iyo Arsenal oo ku dagaalamaya saxiixa laacib ka tirsan Manchester United!

Laacibka da’da yar ee kooxda Manchester United, Andreas Pereira ayaa waxa uu hadda bartilmaameed u yahay kooxaha ka dhisan magaalada London.

Arsenal iyo Chelsea ayaa labaduba daneynaya adeegga laacibka reer Brazil, waxaana ay doonayaan inay la saxiixdaan marka suuqa kala iibsiga uu furmo bisha January.

Xiddigga ka ciyaara khadka dhexe ayaa waxa uu ku jiraa waayahii ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxaana heshiiska uu kula jiro United dhici doonaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Pereira ayaanan fursad wacan ka helin Old Trafford, waxaana uu ku fikarayaa inuu u dhaqaaqo kooxo kale, si mustaqbalkiisa uu kaga faa’ideysto.

Maccalin Jose Mourinho ayaa qudhiisa raba inuu laacibkan iska iibiyo, walow heshiiskiisa ay hal sano ku kordhin karto kooxda Red Devils.

Gunners iyo Blues ayaa wada xiiseynaya laacibkan saxiixiisa, waxaana mirror ay werrineysaa in labada koox ay ku dagaallamayaan laacibkan bisha January.

22-jirkan ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxa uu amaah ku joogay kooxda Valencia, waxaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u sarreeya, taasoo soo jeedisay dareenka Arsenal iyo Chelsea.

Exit mobile version