Waxaa galabta kulan xiiso badan uu ka dhacday Garoonka Banaadir Stadium, waxaana ciyaartaas ay dhexmartay kooxaha Dekadda iyo Bariga Dhexe.
Dadka ciyaarta daawanayay ayaa waxa ay indhaha ku hayeen xiddigii hore ee Jeenyo C/casiis Catoosh oo Dekada kulankiisii ugu horeeyay u saftay.
Labada koox ayaa waxa ay soo badhigeen ciyaar aad u xiiso badneed, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nasatay bar baro 0-0.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Dekadda ayaa dhalisay labo gool, waxaana u kala dhaliyay Ciyaartoyda kala ah Robert Onyaanga iyo Cabaas.
Kooxda Bariga Dhexe ayaa waxaa goolka qura ee ay dhalisay u saxiixay Xasan Suarez, waxaana ugu dambeyntii ciyaarta ay ku soo idlaatay 2-1.
Xiddigii hore ee Kooxda Jenyo C/casiis Catoosh ayaa guul kula bilowday kooxdiisa cusub ee Dekadda, waxaana mar uu la hadlayay warbaahinta gudaha uu sheegay in meel sare sanadan ay rajeynayaan.
