Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow u duulay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.
Waxaa uu ka qeyb gali doona Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa.
Muran badan ayaa ka dhashay saacaddihii ugu dambeeyay sababta Mucaaraadka loogu cusuumay Xafladda, Madaama Cabdiraxmaan uu yahay nin ay aad isku diidan yihiin Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Garowe.
