Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Cali Khaliif Galeyr oo Burco gaaray

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo shalayto ciidammo beleed  Buuhoodle ku sugan ay u diideen in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ayaa xalay goor dambe gaaray magaalada Burco isaga oo dhulka ku safray.

Cali Khaliif iyo wafti uu hogaaminayo oo ka tirsan maamulka Khaatumo oo mudaba saldhigiisu ahaa Buuhoodle ayaa diyaarad ka raaci lahaa shalay magaaladaasi si ay Jabuuti uga qaybgalaan wadahadallo u socday Somaliland iyo Khaatumo.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer  Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa  xaqiijiyay warkan.

Wuxuuna sheegay in Galayr uu ku sii jeedo magaalada Hargeysa.

Cabdifataax Baydan oo ah taliyaha ciidan beeleedkii Buuhoodle ku xanibay Galayr shalay ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn wadahadalada uu kula jiro Somaliland.

 

Exit mobile version