Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Cabduqaadir Cosoble oo markale ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa lagu qabtay doorashada kursiga Hop#140, kaas oo uu markale ku guuleystay Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.

Doorashada kursigaan ayaa dhowr jeer dib u dhacday kadib buuq kajiray, waxaana ku tartamay Cabduqaadir Cosoble Cali oo kursigaan ku guuleystay, isaga oo helay 76 cod & Cabdi Kariin Cilmi Tifoow oo helay 22 cod, waxaana halaabay 3 Cod.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo hadlay kadib doorashadiisii ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday shantii sano la soo dhaafay dalka dib uu u celiyay, isaga oo tusaale u soo qaatay in sanadkii 2016-kii  markii Kursigan loo dooranayay uu safar dhulka ah uu ku tegay Jowhar, xilli maqrib ahna uu kasoo laabtay.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku harsan doorashada Saddex kursi oo ay ku kala fadhiyaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim, Mina Shibis iyo kursigii ay ka geeriyootay Xildhibaan Aamino Maxamed oo la sheegay in doorashadiisa lagu qabanayo halkaas.

Exit mobile version