
Taliska Booliska Gobalka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle Cabdiraxman Maxmuud Cali oo dilka u geestay Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdilaahi Cali Maxamuud oo laga soo qabtay Baadiyaha Tuulada Qarasoor kadib howlgal ay ku raad joogeen Booliska ilaa Markii uu falka dilka ah dhacay.
Ciidamada Booliska Magalada Qardho oo kaashanaayay Shacabka ayaa Gacan ka gestay soo qabashada Eedeesanaha dilka geystay, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Booliska Gobalka Karkaar
Taliye Xuseen ayaa sheegay Ciidamadii Howlgalkaas sameeyay lagu abaal marin doono shaqada adag ay qabteen iyo sida ay ugu guuleysteen.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka karkaar G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ay caddaaladda hor geyn doono gacan ku dhiiglaha dilka geystay, isla markaana la marsiin doono waxa uu sharciga islaamka ka qabo.
Soo qabshada gacan ku dhiiglahan ayaa imaaneysa xilli hawl gallo joogta ah ay ka wadaan ciidanka booliska Magaalada Qardho.

