Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Booliska oo ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Xeebta Liido

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qof naftii halige ah uu isku qarxiyay barxadda xeebta Liido  halkaas oo ay dad badan ku caweynayeen, ‘’Shaqsi ka tirsan Alshabab ayaa si toos ah u weeraray dhalinyaro intooda ku dalxiisaysay xeebta liido’’ ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Dhanka kale afhayeenka ayaa sheegay tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii xalay ee xeebta liido, ay gaarayaan 32 qof halka dhaawacana uu ku sheegay 63 qof.

Afhayeenka booliiska ayaa  sheegay in ay qabteen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo yaalay meel aan sidaa uga fogeyn xeebta Liido , waxa uuna sheegay in ay qabteen ninkii gaarigaa waday oo dhaawac ah.

Exit mobile version