Booliska dalka Kenya ayaa la filayaa in dhamaadka todobaadkaan ay helaan seddex diyaaradood oo helicopter ah oo la sheegay in Kenya ay kasoo iibsatay dalka Jamhuuriyada Czech “Jeeg”.
Rodgers Mbithi oo ah taliyaha ciidamada booliska ee dhinaha diyaaradaha ayaa isaga iyo koox booliska ka tirsan waxay tahay tageen dalka Czech si ay ula wareegaan diyaarado noocoodu yahay MI 17.
Booliska Kenya ayaa diyaaradahaasi kula dagaalami doono Alshabaab si ay ugu ogaadaan dhaqdhaqaaqyada Alshabaab ay ka sameynayaan deegaanada dhaca dhanka xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada booliska dalka Kenya ayaa la sheegay iney diyaarado kasoo iibsadeen dalka Ruushka, kuwaasi oo iyana la filayo iney gaaraan dalka Kenya.
Booliska Kenya ayaa horey loogu balanqaaday in dib u dhis iyo xoojin lagu sameyn doono si ay ula dagaalamaan Alshabaab oo weeraro badan ka geystay gudaha dalka Kenya.
Madaxweyne Uhurru Kenyata ayaa horey u balan qaaday in la tayeynayo ciidamada booliska ee dalka Kenya si ay isaga difaacaan weerarada Alshabaab.
