Xidiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Liverpool ee Christian Benteke ayaa qirtay in uu tixgalin doono mustaqbalkiisa Liverpool isla markaana uu doonayo inuu kubbada cagta Ciyaaro. Benteke oo Liverpool ugu soo biiray 32.5 milyan gini ayaa tan iyo markii uu Jurgen Klopp la wareegay kooxda Liverpool isku arkayay kursiga kaydka Reds balse waxa uu cadeeyay in uu Liverpool sii joogi doono haddii uu qayb ka yahay qorsha Klopp.
Christain Benteke ayaa 14 kulan oo Premier Leaque-ga ah Liverpool ugu soo bilawday tan iyo markii uu kooxda Aston Villa uu ka soo wareegay, waxaana lala xidhiidhinayay kooxo badan iyada oo mugdi uu ku jiro mustaqbalkiisa Anfield.
Christain Benteke oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee xulka qarankiisa Belgium ee ka hor Euro2016 ayaa yidhi: ” Anigu waxaan ahay 25 sano jir, ma yari mana wayni, laakiin waxaa muhiim ii ah in aan ciyaaro. Waxaan wali heshiis kula jiraa Liverpool, waxaanan jeclahay in aan halkaas joogo haddii aan ku sii jiro qorshaha tababaraha. Haddii aanan ku jirin qorshaha tababaraha, wax adag ayay noqon doontaa in la sii joogo, waxaanan ka fikiri doonaa kadib Euro2016″.
