Christian Benteke ayaa dhaliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa abid tartan caalami ah, kulankii Belgium ay garaaceen jaziirada Gibraltar.
Wuxuu ku jabiyay rikoorka goolkii caanka ahaa ee Davide Gualtieri kasoo ka dhaliyay xulka England sanadkii 1993.
Christian Benteke ayaa ku dhaliyay goolka 8.1 ilbiriqsi kulankii 6-0 ay kaga badiyeen Gibraltar Isniintii.
Weeraryahanka Crystal Palace ayaa 0.2 ilbiriqsi ka dhaqsiyo badnaa Davide Gualtieri oo ku dhaliyay 8.3 ilbiriqsi goolkii uu kaga dhaliyay England isreebreebka koobka adduunka 1993.
Waxa xusid mudan in Gibraltar laba jeer kaliya taabteen kubadda ka hor inta uusan Benteke ka dafin goolna ka dhalin.
Laakiin Lukas Podolski ayaa Germany u dhaliyay gool dhaqsiyo badna kulan ay wajahayeen xulka Ecuador 2013 iyadoo lix ilbiriqsi kaliya uu ku dhaliyay.
Goolka ugu dhaqsaha badan UEFA Champions League
10.12 ilbiriqsi Roy Makaay oo katirsanaa Bayern ayaa ka dhaliyay Real Madrid kulan 2-1 kusoo dhamaaday oo dhacay 07/03/2007
Goolkii ugu dhaqsiha badnaa UEFA Europa League
