Beesha caalamka ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxyadii maanta ka dhacay xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo uu ka taliyo maamulka Puntland.
Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Dowladda Mareykanka war qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku cambaareeyeen Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin falalka Qaraxyada noocaan oo kale ah.
Beesha Caalamka ayaa waxa ay weerarkaan ku tilmaameen mid bahalnimo ah oo la doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagu qal qal geliyo, waxaana ay sidoo Tacsi u direen dhamaan Eheladii ay ka geeryoodeen dadkii ku dhintay Qaraxyadan, iyagoo kuwii ku dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg deg ah.
Inta la ogyahay 30 Ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxyada, waxaana isbitaalka guud ee Gaalkacyo la garsiiyay dhaawacyo ka badan 50 Ruux, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.
Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen weerarkii Qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay xarunta Dowladda Hoose iyo suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
