Muqdisho-RisaalaFM- Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo waxaa maalinkii labaad ka socota Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Goobaha ay ka socdaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku sugan Guddiga Doorashooyinka Heer Maamul Goboleed iyo xubno kale, waxaana Doorashaooyinka Aqalka Hoose ay u socdaan si habsami leh.
Shalay Kismaayo iyo Baydhabo waxaa lagu doortay min todobo Xubnood oo la xaqiijiyay inay ka mid noqdeen Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Wariyeyaasheena ku kala sugan Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ayaa soo sheegaya in Doorashooyinka Aqalka Hoose maalinkii labaad ay si dar dar leh ku socdaan.
Maanta ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo lagu soo doorto xildhibaano ka mid noqda Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soo socda.
