Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Barcelona oo Guul ka gaartay Mallorca

Barcelona ayaa dhalisay 66 ilbiriqsi goolkooda ugu horeeya ka dib soo laabashadooda Laliga iyadoo Lionel Messi uu si raaxo leh guul 4-0 ugu ugu hogaamiyay kooxdiisa kulankii Mallorca.

Arturo Vidal ayaa daah furay goolasha, iyadoo weeraryahankii hore ee Middlesbrough Martin Braithwaite uu ku daray goolka labaad iyo kiisii ugu horeeyay kooxdiisa.

Luis Suarez ayaa kursiga keydka ka soo kacay si uu u soo muuqdo kulankiisii ​​ugu horeyay tan iyo horaantii Janaayo. Jordi Alba ayaana ka dhigay 3-0 kulanka.

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii ​​20aad ee horyaalka xilli dambe taasoo keentay in Barcelona ay 4-0 ku badiso.

Barca ayaa haatan shan dhibcood oo nadiif ah ku heysa hogaanka horyaalka, halka Real ay rajeyneyso inay yareyso farqiga dhibcahaan marka ay wajahayaan caawa Eibar, bandhigan ayaa muujinaya baaxadda ay leedahay howsha ay u hayaan hogaamiyaasha Laliga.

Exit mobile version