Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Barcelona oo ciyaaryahan iyo lacag isugu dartay Man United si ay kaga iibsadaan Pogba

Sida uu dhowaan carrabka ku dhuftayba, macallinka kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa weli suuqa ugu jira hal illaa labo saxiix oo dheeraad ah.

Barca ayaa si xoog leh loola xiriiriyay xiddigo dhowr ah oo khadka dhexe ka ciyaara, balse waxa ay hadda kusoo hareen doonistiisa Paul Pogba.

Xiddigga sare ee xulka France ayaa qudhiisa daneynaya ka ciyaarista Camp Nou isagoo horay usii qabsaday Lambarka maaliyadda uu xiran doono Barcelona haddii uu ku biiro.

Majaladda Spanish-ka ah ee Don Balon aya sheegtay in Blaugrana ay heshiis lacag qaali ah iyo xiddiggeeda Ivan Rakitic u bandhigeyso dhiggeeda Manchester United si ay Pogba kaga qaataan.

Jose Mourinho ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xiddigga Croatia, sidaas darteed Barca ayaa xaaladdaas kaga faa’ideysanaysa danahooda ku aaddan Pogba.

Exit mobile version