Muqdisho-RisaalaFM- Bandhiga Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo, waxaana dadweynaha loo soo bandhigay Bugaagta ay qoreen khubarada ka soo qeyb gashay bandhigan.
Bandhiga Buugaagta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgen Bekir oo bogaadiyay horumarka dalka Soomaaliya ka jir, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan taageerida Soomaaliya,iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ay horumar u gaari lahaayeen.
Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Maxamed Salaad oo isna ka hadlay munaasabada Bandhiga Buugaagta Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay muhiimada wax qorida iyo waxyaabaha laga faa’ido ee isugu jira cilmi iyo aqoon.
Dadweynaha ayaa si weyn u iibsanaya buugaagta kala duwan ee lagu soo lagu soo Bandhigay Carwada Buugaagta ee Muqdisho, waxaana ka mid ah buugaagta la soo badnhigay Qisooyin gaar ah, sheekooyin, Taariikh, Suugaan, Jaceylka iyo Arrimaha Qoyska.
Bandhiga ayaa waxaa uu suura geliyay fursad ay isku bartaan kumanaan ruux oo ka kala yimid dhulalka ay Soomaalidu degto, caalamka daafihiisa kala duwan.
