Kumannaan qof oo shacab ah ayaa maanta bannaanbax ballaaran ka dhigay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyagoo taageero u muujinayay Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle.
Dibadbaxa oo ay ka muuqatay abaabul xooggan ayaa lagu muujinayay diidmada qaybo ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeelle, waxaana muuqaallada laga soo duubay magaalada ay muujinayeen dadweyne aad u tiro badan oo isugu soo baxay waddooyinka Beledweyne.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo bannaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay inaysan ka laaban doonin mowqifkooda, xitaa haddii ay la kulmaan cadaadis, dhibaato ama duqeyn.
Dhankiisa, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa sheegay in halganku u baahan yahay dulqaad iyo naf-hurnimo, isagoo xusay in siyaasadda aysan ahayn wax qof walba u adkeysan karo.
Bannaanbaxan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku noqonaya caqabad siyaasadeed iyo mid amni oo hor leh, maadaama xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ay weli xal rasmi ah ka gaarin.
Dowladda Federaalka ayaa dhawaan dallacsiisay in ka badan 170 askari oo kasoo jeeda beesha Xawaadle, tallaabadaas oo loo arkayay mid lagu qancinayo tabashooyinka jira, hase yeeshee Ugaas Yuusuf ayaan khudbaddiisa maanta ku soo hadal qaadin arrintaas.
Bannaanbaxa maanta ka dhacay Beledweyne ayaa muujinaya in khilaafka Hirshabeelle iyo hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta Hiiraan uu weli taagan yahay, isla markaana dowladda looga baahan yahay xal siyaasadeed oo wax ka qabta tabashooyinka jira.

