Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta kulan ka tirsan Tartanka maamul goboleedyada Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium ku ciyaari doona kooxaha Banaadir iyo Puntland.
Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya ilaa 6 kooxood oo ka socda maamul goboleedyada dalka ka jira.
Labada kooxood ee galabta ciyaaraya ee Banaadir iyo Puntland kabtanadooda oo aan goor dhow la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin kulankan.
Tartankan ciyaaraha kubada cagta ee maamul goboleedyada dalka ayaa waxa uu bilowday Todobaadkan, iyadoo kulankii ugu horeeyay ay guul gaartay Banaadir.
Ciyaarta ayaa Garoonka Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho ka bilaaban doonta saacadu marka ay tahay 04:00 Galabnimo.
