Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wada doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sii wada ka doodista wax ka beddelka lagu sameynayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee dalka, iyada oo doodahaasi ay qeyb ka yihiin geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

Shalay, xildhibaanada ayaa si gaar ah uga dooday Cutubka Afaraad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, iyagoo falanqeeyay wax ka beddel kooban oo la xiriira qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad. Dood dheer kaddib, xildhibaanadu waxay si rasmi ah u soo gabagabeeyeen doodda Cutubka 4-aad.

Sidoo kale, xildhibaanada ayaa shalay bilaabay ka doodista qodobada Cutubka Shanaad, taas oo ah tallaabo kale oo ka mid ah habraaca dib-u-eegista dastuurka, waxaana la filayaa in doodahaasi ay maanta sii socdaan.

Dhanka kale, xildhibaanada mucaaradka ah ayaa si cad uga soo horjeestay habka uu guddoonka labada gole u wado wax ka beddelka dastuurka, iyaga oo ku tilmaamay mid aan loo dhammeystirin wada-tashi siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale jira xildhibaano ganaaxan oo si weyn uga digay sii socoshada wax ka beddelka lagu sameynayo qodobada Dastuurka Ku-meelgaarka ah, iyaga oo sheegay in qodobadaasi ay yihiin kuwo u baahan heshiis qaran iyo aragti mideysan, ka hor inta aan wax isbeddel ah lagu samayn.

Doodaha ka taagan wax ka beddelka dastuurka ayaa imaanaya xilli uu dalka wajahayo muran siyaasadeed oo la xiriira hannaanka dib-u-dhiska dowladnimada iyo mustaqbalka nidaamka federaalka.

Exit mobile version