Site icon Radio Risaala: Somali News Online

DHAGEYSO: Baaq loo diray Puntland iyo Galmudug

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug shalay waxaa heshiis ku gaaray Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug, heshiiskaas oo ku aadanaa in la joojiyo Dagaalka Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa soo dhaweeyay heshiiska Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxa ay sheegaan in muhiim ay tahay in labada dhinac ay dhaqan geliyaan heshiiska, si shacabkii ka barakacay Gaalkacyo ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Madaxda Maamullada Puntland iyo Galmudug ayay ugu baaqeen in ay dhaqan geliyaan heshiiska shalay lagu gaaray Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen Gaalkacyo xilligan in aysan u baahneyn Dagaal oo ay u baahan tahay nabad.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2016/11/cod-Gaalkacyo.mp3?_=1
Exit mobile version