Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo iyadoo aysan saameyn xanibaada DFS ay dul saartay Jubbaland ee duulimaadyada Nairobi ilaa Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa maalmo ku maqnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo halkaasi kula kulmay xubno Beesha Caalamka, siyaasiyiin iyo dhinacyo kale.

Madoobe ayaa horey waxaa xayiraad dhanka safarka u saartay dowladda Soomaaliya, inkastoo ay ku guuleysan waysay inay soo qabato ama safar ka joojiso hoggaamiyaha Jubbaland

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifatax Maxamed Mukhtaar ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Jubbaland uu maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

“H.E. Axmed Maxamed Islaam wuxuu si nabad ah ugu laabtay Kismaayo. Madaxda Jubbaland xilli kasta way safri karaan, meelkastana waa ay aadi karaan. Cida kaliya ee cunaqabateynta saaran tahay waa shacabka reer Jubbaland” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Wasiirka ayaa waxaa uu Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay culeyska iyo xayiraada ay ka qaadaan shacabka, islamarkaana ay dib u furaan duulimaadyada diyaaradaha.

Axmed Madoobe ayaa ku howlan siddii uu u qaban lahaa xaflada Caleema saarka, waxaana la filayaa in madax kala duwan ay ka qeyb galaan, sida madaxdii hore ee dowladda, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada labada aqal.

Ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo laga helay kulamada uu Magaalada Nairobi uu kula soo qaatay dhinacyada uu la kulmay.

 

Exit mobile version