Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Atletico Madrid oo ganaax kala kullantay xiriirka Spain

Atletico Madrid ayaa war aan fiicneyn ka heshay xiriirka Spain kadib markii loo sheegay in macallinkeeda Diego Simeone lagu riday ganaax 3 kullan ah oo u diidaya inuu kasoo ag-dhowaado caalamadda loogu talo-galay tababarayaasha.

Kullankii isbuucan ee Malaga ayaa garoonka laga saaray hogaamiyahan reer Argentine,kadib markii uu ku xad-gudbay shaqaalaha Malaga oo uu ugu galay booskooda.

“Sababa la xiriira inuu khal-khal iyo rabshad sameeyay ayay guddiga anshaxa ee La Liga-ha ganaaxan ugu rideen Simeone” sidaas ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen xiriirka Spain.

Exit mobile version