Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Arsenal Oo Qarka U Saaran Saxiixa Wiilka Ugu Qurxoon Kooxda West Ham-

Arsenal ayaa si dhow isha ugu heysa Xiddiga kooxda West Ham Declan Rice, sida laga soo xigtay wargeyska The Sun.

waxaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee ugu wanaagsan waqtigaan England iyo guud ahaan dunida.

Declan Rice ayaa ah mid ka ciyaara daafaca dhexe waana 17-sano jir kaliya kaasoo kooxda koowaad ee Slaven Bilic dhawaan usoo dhaqaaqay.

Gunners ayaa, si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in ay muddo dheer xiiseyneysay daafacaan lagu magcaabo Rice, kaasoo usaftay xulka 21-jirada Republic of Ireland.

Arsenal aya wadahadalo waxay kula jiraan wakiilada Rice oo saddex sano uga hartay qandaraaskiisa West Ham, taasoo la micno ah inay keenaan dalab ay ku burburinkaraa qandaraaskiisa Hammers.

Arsene Wenger ayaa hore kaga doonayay kooxda West Ham wiilka dhalinyarada ah ee Reece Oxford, kaasoo sidookale soo jiitay kooxaha Manchester United iyo Chelsea.

 

 

Exit mobile version