Arsenal ayaa rigoorayaal ku garaacday kooxda ay xifaaltamaan ee Chelsea kulanka ka dhacay Aviva Stadium oo ku yaala Dublin.
Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii shanaad markii daafaca Antonio Rudiger madax ku dhaliyay kubad ka timid koornada.
Laakiin Arsenal ayaa barbareysay ciyaarta, iyadoo Alexandre Lacazette dhaliyay kubad lasoo dhigay albaabka goosha.
Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-1, iyadoo ugu dambeyn rigoorayaal 6-5 ah ay ku badisay Arsenal.
Rigoorada looga badiyay Chelsea waxaa qasaariyay Ruben Loftus-Cheek, ciyaaryahanka khadka dhaxe ayaa si salhan kubadaas waxaa ka badbaadiyay goolhaye Petr Cech.
Alex Iwobi ayaa dhaliyay rigooradii ugu dambeysay kooxda Arsenal kaga badisay Chelsea.
Ciyaaryahankii ugu fiican kulankaan ayaa noqday Jorginho oo khadka dhaxe kaga ciyaarayay kooxda Chelsea.

