Wakiilada tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa bilaabay inay wada xaajood la yeeshaan Arsenal si uu tababarahan Talyaaniga ah uu bedel ugu noqodo Arsene Wenger, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya gudaha Italy saaka oo Arbaca ah.
Tababarihii hore ee kooxda AC Milan hore, oo 49-sano jir ah ayaa sumcad badan soo xareysatay tan iyo markii uu qabtay xilka tababaranimo ee The Old Ledy, kadib markii uu kula guuleystay seddex koob oo horyaalka Serie A-da ah, iyo laba Coppa Italia, isagoonay gaaray finalka Champions League, markaas oo ay kooxda Barcelona kafga qaaday 3-1.
Arsenal ayaana hadda bilaawday inay raadiso bedelka tababare Wenger oo mudo dheer kooxda leylinayay, Waxaa la fahamsan yahay in Wenger uu ka tagi doono Gunners. Allegri ayaana guuldaro kala kulmay kooxdiisii hore ee Ac Milan final-kii koobka Super Cup-ka Italy, waxa uuna sidoo kale uu todobaadkan la kulmay khasaaro 2-1 ka soo gaartay Fiorentina .
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Seddexda ciyaaryahan ee Juve Gianluigi Buffon, Leonardo Bonucci iyo Giorgio Chiellini ay dhamaantood ku faraxsaneyn hanaanka tababare Allegri, sida uu saaka sidoo kale daabacayo wargeyska The Sun.
