Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Aqalka sare oo guddi u xilsaaray weerarkii ka dhacay degaanka Bariire

Ka dib kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho xildhibaanada Aqalka Sare waxa ay sameeyeen Guddi loogu tala galay in ay soo baaraan dhacdadii ka dhacday degaanka bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka, ayaa guddigaan u xilsaaray weerarkii Bariire, kadib markii qaar kamid ah xubnaha aqalka sare ay ka hadleen dhacadadii dadka lagu laayay.

Guddigaan ayaa  waxaa hoggaaminaya Guddiyadda Amniga iyo arrimaha Gudaha Baarlamaanka Aqalka Sare.

Baarista ka dib ayuu sheegay Guddoonka Aqalka Sare in ay soo saari doonaan Warsaxaafadeed ayay ka hadlayaan dhacdadii Bariire.

Waa Guddigii labaad ee loo xilsaaro dhacdadii ka dhacday degaanka Bariire, waxaana Guddi ay ku jiraan Wasiiro u magacaabay Xukuumadda Soomaaliya.

 

Exit mobile version