Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Antonio Conte Oo Jawaab Degan Siiyay Jose Mourinho Kadib Barbardhacii Burnley

Tababare Antonio Conte ayaa si wanaagsan jawaab u siiyay tababarahii horre Chelsea Jose Mourinho kaas oo ku tilmaamay kooxda hogaamineysa horyaalka koox difaaceed aan la qaban karin.

Chlesea waxey barbaro 1-1 ah la dhaafi weysay Burnley oo ay ugu martiyeen Turf Moore, balse bandhigii wacnaa ee wiilasha Sean Dyche wuxuu u sahlay iney dhibic ka helaan kooxda hogaamineysa horyaalka.

Pedro Rodriguez ayaa bilaabay bandhigga goolasha kulanka daqiiqadahii ugu horeeyay, balse Robbie Brady ayaa laad xor ah ku barbareeyay Blues.

Kadib kulanka Antonio Conte ayaa la weydiiyay waxa uu ka dhihi karo hadalkii uu Jose Mourinho kooxdiisa ugu tilmaamay koox difaaceed aan la qaban karin marnaba.

“Haa, waan maqlay arinkaas, balse ma jecli inaan u jawaabo macalimiinta kale” Ayuu Antonio Conte uga gaabsaday inuu lasii saan qaado Jose Mourinho

Antonio Conte sidoo kale wuxuu aaminsan yahay iney heleen fursado badan oo ay guul ku gaari kareen balse uusan nasiibka siinin.

“Waxaan qaadanay hal dhibic, runtii inyar niyad jab ah ayaa nagu waajib ah, waxaan u qalanay guul” Ayuu mar kale yiri Conte.

Xigasho: Laacib

Exit mobile version