Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Antoine Griezmann Oo Si Rasmi Ah U Xaqiijiyay In Uu Atleto Madrid Ku Sii Nagaanayo

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa niyadjabiyay Jose Mourinho iyo kooxdiisa Manchester United, wuxuuna si rasmi ah u cadeeyay in aanu dhamaadka xili ciyaareedkan ka bixi doonin kooxdiisa Ateltico Madrid. Todobaadkii hore ayay ahayd markii wargayska AS ee Madrid ka soo baxaa uu shaaca ka qaaday in Ateltico Madrid ay Griezmann ku qancisay in uu iska diido Man United iyo kooxaha kale ee doonayay.

Antoine Griezmann ayaa  waraysi uu siiyay RTVE waxa uu sharaxaad kaga bixiyay sababta uu u diiday inuu ka baxo kooxdiisa Atletico Madrid wuxuuna xusay saddex sababood oo uu kooxdiisa ugu sii nagaanayo taas oo aan ahayn wax ay jeclaysan doonto Manchester United. Mourinho ayaa si wayn Giezmann uga doonayay Old Traffrod balse hadda xidiga ree France ayaa cadeeyay halka uu mustaqbalkiisu yaalo.

Sida uu Antoine Griezmann waraysigan ku sheegay waxaa in uu sii joogto Ateltico Madrid ku qasbaya cimilada fiican ee Spain, in ciyaartoyda kooxdiisu yihiin kuwo ugu fiican iyo in uu haysto tababare heer sare ah oo ah Diego Simeone, waana saddexda sababood ee uu ku xaqiijiyay in farxad galinayaan.

Xigasho Laacib

 

Exit mobile version