Xiddiga Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu soo afjaro waayihiisa ciyaareed dalka USA.
Weeraryahanka reer France ayaa diyaar u ah inuu ku biiro kooxda MLS ka dhisan ee uu leeyahay David Beckham taaasoo lagu magcaabo Miami.
Waxa uu u sheegay isagoo la hadlayay France Football: “Maraykanka waa halka aaan doonayo inaan ku dhameysto kubadda cagta, waan jeclahay Maraykanka Waxaan doonayaa in xriir joogta ah la lahaado qolyaha NBA oo aan jeclaa caruurnimadeydii ayuu yiri Antoine Griezmann.
“Waxaan weli ogeyn magaalada aan ka ciyaari doono, laakiin in aan u ciyaaro kooxda Beckham ee Miami? waxay ii tahay sharaf weyn.
Antoine Griezmann ayaa sheegay in Beckham uu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican dunida islamarkaana uu taageere qaas ah u ahaa markasta.”
Weeraryahankaan Antoine Griezmann ayaa bartilmaameeed waxa uu u yahay waqtigaan kooxaha waaweyn ee qaarada Europe.
